Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaanka Dambase oo ku yaalla duleedka degmada Jilib, taas oo muddo dheer ahayd saldhig muhiim u ah Al-Shabaab.
Taliye Ku-xigeenka Guutada 162-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Cabdi Risaaq Maxamed Kusane, ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo 15 sano ah ay ciidamada dowladda gaareen duleedka magaalada Jilib.
Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka sifeeyeen deegaanka Dambase iyo nawaaxigiisa, iyadoo howlgalka uu weli socdo.
Ciidamada Danab oo tababar iyo taageero ka hela Mareykanka, kanaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland, ayaa sii wada baacsiga Al-Shabaab iyo burburinta fariisimahooda ku yaalla gobolka.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in howlgalka uu ka socon doono xeebaha ilaa hareeraha wabiyada, si loo adkeeyo amniga Muqdisho iyo gobollada ku dhow.
Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.


