Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab Shidaal oo Marayay Xeebaha Yemen

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa Jimcihii afduubtay markab shidaal oo marayay meel ka baxsan xeebaha bari ee Yemen, sida ay xaqiijiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa lagu sheegay in markabka shidaalka ee ASANA lagu qabsaday meel qiyaastii 26 mayl-badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout, kaddib markii ay weerareen kooxo burcad-badeed Soomaali ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in xaruntooda howlgalka ay si degdeg ah ula xiriirtay hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka badda ee ka howlgala gobolka si loo xaqiijiyo xaaladda markabka, loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ilaalada xeebaha Yemen iyo doon ciidan loo diray goobta uu markabku ku sugnaa, halka diyaarado kormeer ah ay dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

Macluumaadka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabka si tartiib ah loogu waday dhinaca koonfur-bari, isagoo u jihaysan xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore u shaacisay in markab marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 65 mayl-badeed koonfur kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen, ay fuuleen dad aan fasax haysan xilli uu ku sii jeeday dhinaca bari.

Afduubkan ayaa noqonaya markabkii afraad ee muddo bilo gudahood ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida. Sidoo kale, saddex markab oo kale ayaa weli lagu haystaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, iyadoo kooxaha heysta ay dalbanayaan lacago madax-furasho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles