Wednesday, February 5, 2025

Israel oo dagaalka Gaza ka geysatay dhimashada in ka badan 46000

Ugu yaraan 22 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo waaberigii Khamiistii ee shalay sida ay ku warameen ilo caafimaad oo la xiriiray shabakadda Al Jazeera.

Weerarada Israel ayaa la sheegay in ay barbar socdaan gurmad loogu jiro badbadinta dadka rayidka ah ee ku  dhaawacmay dagaalada Israel ah iyo kuwa barakacayaasha ah ee gabbaadka ka dhiganaya dugsiyada iyo xarumaha cisbitaalada.

Afhayeen u hadlay maamulka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israel ay dileen qiyaastii 490 falastiiniyiin ah sagaalkii maalmood ee ugu horeysay sanadka cusub ee 2025,isagoo intaa raaciyay in Israel ay xabsiga  dhigtay dad badan oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la heysto.

Xasuuqa Israel ee ay ka geysatay Gaza ayaa gaaray ugu yaraan 46,006 falastiiniyiin ah,halka uu dhaawacu marayo 109,378 tan iyo bishii October ee sanadkii 2023.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles