Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda oo ka qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale ee Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda oo ka qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale ee Haweenka oo Muqdisho lagu qabtay.

Mashruucan oo uu taageerayo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), iyadoo fulinta mashuucan ay iska kaashanayaan Wasaaradda Qoyska iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa laga fulinayaa qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta awoodda dhaqaale ee haweenka, xoojinta doorkooda ku aaddan nabad dhiska iyo horumarinta bulshada.

Tababarka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, madax ka socota xafiiska IGAD ee Soomaaliya, xubno ka socday wasaarado kala duwan oo dowladda ah, wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ah, haween, iyo odiyaal dhaqan.

Intii uu socday tababarka ka qaybgalayaashu waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bulshada, kor loogu qaadi lahaa fursadaha dhaqaale ee haweenka, isla markaana loo dardargelin lahaa hirgelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles