Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo xiriir ah, iyadoo Tehran ay uga digtay Maraykanka inuusan bartilmaameedsan xarumaheeda nukliyeerka.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay, in mowjadan weerarrada ah loo qorsheeyay “in lagu sii wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku halis gelin karto maraakiibta ganacsiga” ee marinka Hormuz.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay, in nidaamyada difaaca cirka la hawlgeliyay caasimadda Tehran. Qaraxyo ayaa sidoo kale laga soo sheegay Tabriz, Chabahar, Konarak, iyo Bushehr, oo ay ku taallo warshadda keliya ee tamarta nukliyeerka ee Iiraan.
Iiraan, oo weerarro aargoosi ah ku qaaday Maraykanka iyo xulafadiisa Bariga Dhexe, ayaa ka digtay tallaabooyin jawaab celin ah kadib markii Donald Trump uu sheegay in Maraykanku dhawaan weerari doono xarun nukliyeer oo dhulka hoostiisa ku taalla oo u dhow Natanz.
Iiraan iyo Maraykanku waxay bishii Abriil ku heshiiyeen xabbad-joojin, balse dagaalladu waxay dib u billowdeen toddobaadkii hore iyadoo labada dal ay ku loollamayeen gacan ku haynta marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku ay beegsadeen xarumaha hawlgallada milatari ee Iiraan, awooddeeda badeed, garoomada diyaaradaha, bakhaarrada lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada), iyo kaabeyaasha saadka milatariga.
Waxay sidoo kale ku eedeysay Iiraan inay saddexdii bilood ee la soo dhaafay weerartay “in ka badan 30 markab oo ganacsi” oo marayay marinka Hormuz.
“Weerarradan aan sababta lahayn waxay halis geliyeen boqolaal badmaax oo rayid ah waxayna wiiqeen xorriyadda maraakiibtu ugu kala goosho badda,” ayay CENTCOM tiri, iyadoo intaas ku dartay in marinkaasi uu weli “u furan yahay maraakiibta ganacsiga.


