Thursday, July 23, 2026

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo 150 Maleeshiyaad oo Isku Soo Dhiibay DF

Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay, oo ay la socdaan qiyaastii 150 maleeshiyaad ah, ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka hawlgala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaddib markii ay si cad uga soo goosteen maleeshiyaadkii uu marin-habaabiyay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka geysanayay deegaannadaas.

Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadkii la socday ayaa Ciidamada Qaranka ku wareejiyay hub kala duwan iyo gaadiid dagaal oo ay wateen, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadii hubeysnaa, isla markaana iska diiday inay sii dhibaateeyaan dadkooda.

Sidoo kale, waxaa weli socda wadahadallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaadka haray inay hubka dhigaan, iyadoo lagu wado in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay iyaguna isku soo dhiibaan Ciidamada Qaranka.

Tallaabadan ayaa dhabar-jab ku ah kooxaha hubeysan ee qalqalgelinayay amniga iyo xasilloonida magaalada Baydhabo, waxayna qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo xaqiijinta in aanay jirin cid awood u leh in ay ka hortimaaddo hanaanka dowladnimada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ma oggolaan doonto in hub sharci-darro ah loo adeegsado dano gaar ah, laguna dhibaateeyo shacabka ama lagu carqaladeeyo nabadda, horumarka iyo xasilloonida dalka.

Hay’adaha ammaanku waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, iyagoo ugu baaqaya cid kasta oo weli ku jirta kooxahaas hubeysan inay ka faa’iidaysato fursadda dib ugu soo laabashada bulshada iyo dowladnimada, maadaama aanay jirin sabab ay silic ugu sii noolaadaan duurka.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhowaynaysaa isla markaana bogaadinaysaa tallaabadan ay qaadeen dhallinyaradaas hubaysnaa, taas oo muujinaysa inay garteen in aanu wax dan ah ugu jirin sii wadidda dagaallo aan natiijo lahayn oo u adeegaya danaha shakhsiyaad siyaasiyiin ah iyo dano shisheeye.

WARARKII KALE

Ra’isul wasaaraha Pakistan oo si kulul u cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaaeen Markab Sacuudi ah

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u...

Midowga Yurub oo cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadaeen markab marayay badda cas

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ahna Madaxweyne...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dhismaha Golaha sare ee adeegga Garsoorka

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo...

DFS oo sheegtay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay 18 ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18...

Aadan Madoobe Oo La Kulmay Guddoomiyihii Hore Ee Awdiinle Oo Ku Biiray Maamulka Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Netanyahu oo hiilo ka helay Trump ee kiiska Mamdani

Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, oo hore wacad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles