Thursday, July 23, 2026

Netanyahu oo hiilo ka helay Trump ee kiiska Mamdani

Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, oo hore wacad ku maray inuu xiri doono raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu haddii uu yimaado magaalada New York, ayaa hadda sheegay inuusan lahayn awood sharciyeed oo uu sidaas ku sameeyo.

Muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Mamdani ku sheegay, in mas’uuliyiinta Maraykanka ay tahay inay fuliyaan amar-qabashada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, kaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Sharci ahaan, haddii Netanyahu uu tago dal xubin ka ah ICC, waxaa suuragal ah in la xiro lana geeyo maxkamadda. Hase yeeshee, Maraykanku ma aha xubin ka tirsan ICC.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Netanyahu aan lagu xiri doonin Maraykanka “si kasta oo ay ahaataba.”

“Wuxuu la dagaallamayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, oo dhowaan dishay 52,000 oo dibadbaxayaal aan waxba galabsan [sida uu isagu sheegay], isla markaana 47-kii sano ee la soo dhaafay dishay askar Maraykan ah iyo dad kale,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social maalintii Isniinta.

Trump wuxuu ka jawaabayay hadallo uu Mamdani ku sheegay wareysi uu Sabtidii siiyay The New York Times, kaas oo duqa magaalada ku sheegay inuu “wadahadallo firfircoon” la leeyahay hay’adaha fulinta sharciga oo ku saabsan suuragalnimada hirgelinta amarka qabashada ee ICC.

Hase yeeshee, Talaadadii Mamdani wuxuu sheegay in kooxdiisu ay dib u eegtay “dhammaan waddooyinka sharciyeed ee suurtagalka ah,” isla markaana ay ku soo gabagabeeyeen in “aanan haysan awood sharciyeed oo madax-bannaan oo aan ku fulin karno arrintan.”

“Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa leh awooddaas,” ayuu Mamdani yiri. “Waxaan ugu baaqayaa inay ku biiraan ICC oo ay fuliyaan amarkan qabashada.”

Mamdani ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay, in Benjamin Netanyahu uu “ku soo dhoweynayn” Magaalada New York, halkaas oo la filayo inuu bisha Sebtembar u yimaado si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii 2024 soo saartay amar lagu soo qabanayo Netanyahu, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira dagaalka Gaza. Isla mar ahaantaana, ICC waxay sidoo kale soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah taliye ka tirsan Xamaas.

ICC waxay awood u leedahay inay dacwad ku soo oogto dadka lagu eedeeyo xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo dambiyo dagaal, haddii falalkaas ay ka dhaceen dalal xubno ka ah Heshiiska Rome, oo ah heshiiska lagu aasaasay maxkamadda.

Intii uu ku jiray ololihiisa doorashada duqa magaalada New York, Mamdani wuxuu marar badan Netanyahu ku tilmaamay dambiile dagaal, wuxuuna dagaalka Gaza ku sheegay xasuuq.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu amri doono booliiska inay qabtaan Netanyahu haddii uu yimaado magaalada.

Isagoo markaas musharrax ahaa, ayuu wareysi uu siiyay The New York Times ku yiri: “Tani waa arrin aan doonayo inaan hirgeliyo.” Wuxuu sheegay in qabashada Netanyahu ay noqon lahayd fulinta amar ay soo saartay ICC.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay muuqato in taageerada codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga ee Israa’iil ay is beddelayso. Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in 58% taageerayaasha Dimuqraadigu ay aaminsan yihiin, in Maraykanku taageero aad u badan siiyo Israa’iil, halka boqolkiibaasi uu ahaa 45% sannadkii 2024.

Isagoo ka jawaabaya wareysiga Mamdani, safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa yiri:

“Waxaa laguu doortay inaad u adeegto dadka reer New York, ee ma aha barabagaandhada Xamaas.”

WARARKII KALE

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dhismaha Golaha sare ee adeegga Garsoorka

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo...

DFS oo sheegtay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay 18 ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18...

Aadan Madoobe Oo La Kulmay Guddoomiyihii Hore Ee Awdiinle Oo Ku Biiray Maamulka Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo 150 Maleeshiyaad oo Isku Soo Dhiibay DF

Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim...

Tirada Iiraan ugu dhimatay weeraradii ugu dambeeyay ee Mareykanka

Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles