Aadan Madoobe Oo La Kulmay Guddoomiyihii Hore Ee Awdiinle Oo Ku Biiray Maamulka Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta kulan ku qaabilay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle, Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay), kaas oo shalay isaga iyo ciidamo badan ku biiray maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Aadan Madoobe ayaa si diirran u soo dhaweeyay Ibraahim Maxamed Nuur (Kalaay), isagoo ku ammaanay go’aankiisa ku aaddan ku biirista maamulka, islamarkaana ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah xasilloonida iyo mideynta bulshada.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed, Isaag Maxamed Isaag (Korsaar), oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta iyo ciidamada ay ku biiraan dadaallada nabadda iyo dowlad-dhiska.

Ku biirista Kalaay iyo ciidamadiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wado dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo dib u heshiisiinta deegaannada maamulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles