DFS oo sheegtay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay 18 ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay, halka 21 kale ay ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo 21-kii bishan ka dhacday deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir koonfur kaga beegan deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan. 

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka, iyadoo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaanka.

Sida lagu sheegay bayaanka, howlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay hal gaari oo dagaal, iyo fariisimo iyo dhufeysyo ay kooxda Al-Shabaab ka sameysatay goobta la beegsaday.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo xustay in mudnaanta la siinayo badqabka shacabka iyo xasilloonida dalka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay guluf xoogan ayay Dowladda Soomaaliya iyo wadamada ka  taageera howlgallada military ay xoojiyeen si meelaha wali ay ku harsan yihiin Al shabaab looga sifeeyn lahaa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles