Thursday, July 23, 2026

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay dhismaha Golaha sare ee adeegga Garsoorka

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka duulaya soo jeedinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xubnaha magacaabista ku imaanaya ee Golaha Sare ee Garsoorka, sida uu dhigayo Qodobka 145aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2026.
Golaha Wasiirradu oo uu shir guddoomiyanayay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa meelmariyay xubnaha soo socda oo kala ah laba (2) Qareen Sare iyo laba (2) Xeeldheere Sharci oo uu xilkooduna noqonayo shan (5) sano, ka dib marka ay dhammeystiranto habraaca ansixintooda:

  1. Maxamed-deeq Macalllin Aadan
  2. Maryan Sheekh Cismaan
  3. Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil
  4. Cabdiqaadir Cali Macallin
    Xubnahan ayaa ah kuwa keliya ee magacaabis ku imaanaya, halka xubnaha kale ee Golaha Sare ee Garsoorka ay ku imaanayaan xilkooda (Hadba Mas’uulka xilkaas haya uu ka mid noqonayo golahan), waxayna xilalkan kala yihiin:
  5. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
  6. Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka
  7. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
  8. Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Kore ee Dowlad goboleedyada iyo Maamulka Caasimadda Jamhuuriyadda
  9. Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqda Aadanaha.
    Sidoo kale golaha ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Golaha Tacliinta Sare, waxayna xilkaas u magacaabeen Mudane Maxamuud Axmed Jimcaale.
    Ugu dambayn Golaha Wasiirrada XFS, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka Dhaqanka iyo Farxashanka iyo Heshiis u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Cummaan kaasi oo diirrada saaraya iskaashiga Gaadiidka Cirka. Axdiga Dhallinyarada Afrika kaasi oo awoodda saaraya in dhallinyarada laga qaybgaliyo go’aannada siyaasadda iyo doorka dowladaha ee horumarinta dhallinyarada Afrika.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in Duqeyn ka dhacday Hiiraan lagu dilay 18 ka tirsan Al-Shabaab

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18...

Aadan Madoobe Oo La Kulmay Guddoomiyihii Hore Ee Awdiinle Oo Ku Biiray Maamulka Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe),...

Netanyahu oo hiilo ka helay Trump ee kiiska Mamdani

Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, oo hore wacad...

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo 150 Maleeshiyaad oo Isku Soo Dhiibay DF

Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim...

Tirada Iiraan ugu dhimatay weeraradii ugu dambeeyay ee Mareykanka

Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles