Midowga Yurub oo cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadaeen markab marayay badda cas

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Guddiga Yurub, Kaja Kallas, ayaa ku tilmaantay weerarka ay Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto ku qaadeen markab Sacuudi ah oo ku jiray biyaha Badda Cas mid “aan la aqbali karin oo sharci-darro ah”.

Kallas ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay:”Weerarka lagu qaaday markab shidaal qaada oo ku sugan Badda Cas waa mid aan la aqbali karin oo sharci-darro ah, wuxuuna sii kordhinayaa xiisadda gobolka.”

Waxay sidoo kale ugu baaqday Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarrada ay ka wadaan gobolka.

Horaantii, wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga, iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo ka tirsan hay’adda gaadiidka dalkaas, ayaa sheegtay in qaybta hore ee markabka shidaalka qaada ee Ansilia uu dab qabsaday kadib weerar.

Isha xogta ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badbaadeen, isla markaana aan wax khasaare dhimasho ah ka dhalan dhacdada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles