Ra’isul wasaaraha Pakistan oo si kulul u cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaaeen Markab Sacuudi ah

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u cambaareeyay weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen laba markab oo marayay Badda Cas.

Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay inay laba markab ku beegsadeen drones iyo gantaallo, iyagoo ku andacooday in maraakiibtaasi ay jebiyeen xannibaad badeed ay ku dhawaaqeen.

Wax yar kadib, wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan hay’adda gaadiidka dalkaas, sheegtay in qaybta hore ee markabka shidaalka qaada ee Ansilia uu dab qabsaday kadib weerarka. Warbixinta dowladda Sacuudiga laguma sheegin cidda fulisay weerarka.

Intii uu khadka taleefanka kula hadlayay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Mohammed bin Salman, Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa si adag u cambaareeyay weerarka. Pakistan iyo Sacuudiga ayaa leh heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca difaaca ah.

Qoraal uu ku baahiyay barta X, Sharif ayaa yiri:”Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga ee Badda Cas. Falalkan waa kuwo aan la aqbali karin, waxay jebinayaan sharciga caalamiga ah, khatarna ku yihiin xorriyadda isu socodka badda iyo nabadda iyo amniga gobolka.”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo amniga, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed, iyo barwaaqada Boqortooyada Sacuudiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sacuudiga oo tuhunsan in Imaaraadku door ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa, sida lagu sheegay warbixin cusub...

Fiqi “Yaan naxariis loo sameyn cid kasta oo amniga wax u dhimeysa”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa digniin culus...

RW Xamsa oo ka digay in la siyaasadeeyo amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka digay...

Iran oo shaacisay war ku saabsan marinka Hormuz

Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles