Friday, July 24, 2026

Madaxa AUSSOM iyo Ku Simaha Safiirka Mareykanka oo wadahadlay Amniga iyo Mustaqbalka Hawlgalka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Ku Simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Davis Justin, xilli ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo taageerada caalamiga ah ee amniga Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee AUSSOM ayaa labada mas’uul waxay uga wada hadleen xaaladda guud ee amniga dalka, howlaha uu AUSSOM ka wado Soomaaliya, iyo horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo qorshaha kala-guurka ee amniga.

Sidoo kale, waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga u dhexeeya Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo in ciidamada Soomaaliyeed ay yeeshaan awood ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli Addis Ababa ay ka socdaan shirar farsamo oo looga arrinsanayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM, gaar ahaan caqabadaha dhanka maalgelinta iyo taageerada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa ugu dambeyn ku celiyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi xooggan, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.

Kulankan ayaa loo arkaa mid qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee socda si loo hubiyo sii socoshada taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo dhaqaale oo saameyn ku leh howlgalka AUSSOM.

WARARKII KALE

Midowga Afrika oo fariin adag u dirtay DF iyo shir looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ahna xarunta Midowga...

Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Gelitaanka Wasiir Israa’iili ah Masaajidka Al-Aqsa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun,...

Ingiriiska oo cambaareeyay weerar ay gaysteen Xuutiyiintu

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’isul wasaaraha Pakistan oo si kulul u cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaaeen Markab Sacuudi ah

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u...

Midowga Yurub oo cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadaeen markab marayay badda cas

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ahna Madaxweyne...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles