Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ka geysatay deegaannada Fino iyo Arabia oo ka tirsan degmada Lafey ee gobolka Mandera ee waqooyi-bari Kenya.
Sida lagu sheegay wararka hordhaca ah, weerarkii ugu horreeyay ayaa lagu qaaday deegaanka Fino intii u dhexeysay 6:00 fiidnimo ilaa 7:00 fiidnimo, iyadoo dabley hubeysan ay gudaha u galeen deegaanka.
Qiyaastii saacad kaddib, weerar labaad ayaa ka dhacay deegaanka Arabia, halkaas oo sidoo kale ay ka hawlgaleen kooxaha hubeysan.
Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa durba ciidamo u diray goobaha weerarradu ka dhaceen, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdooyinka.
Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa ka hortagay weerarada ka imaanaya kooxda Al-Shabaab.


