Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay xaaladda amniga iyo xiisadaha siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in waxa loo yaqaan Puntland Security Force (PSF) uusan sharci ahaan ka tirsanayn Ciidamada Difaaca Puntland.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku tilmaantay isku dayo lagu hurinayo colaado laguna wiiqayo hay’adaha amniga iyo maamulka Puntland.
Puntland waxay sidoo kale sheegtay inaysan jirin ciidan si sharci ah ugu diiwaangashan magaca PSF oo ka tirsan qaab-dhismeedka Ciidamada Difaaca Puntland.
Sidoo kale, waxay caddeysay inaysan jirin ciidamo si rasmi ah uga tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka howlgala deegaannada ay maamusho Puntland.
Madaxtooyada Puntland ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in dhaqdhaqaaqyada ay ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay halis ku yihiin xasilloonida iyo nidaamka dowladnimada Puntland, isla markaana ay ka digeyso tallaabo kasta oo lagu wiiqayo awoodda ciidamada difaaca Puntland.
Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Galmudug iyo beesha caalamka inay ka hortagaan colaado iyo dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka dhici kara deegaannada xuduudaha, iyadoo ku boorrisay Galmudug inay sii waddo iskaashiga amniga, deris-wanaagga iyo nabadgelyada labada dhinac.
War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga, dastuurka iyo awood-qaybsiga.


