Tuesday, July 28, 2026

Puntland oo sheegtay in ay qabatay agab ciidan oo ka yimid dhanka Galmudug

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay magaalada Gaalkacyo ku qabteen gaari nooca NOAH ah oo siday 250 xabbo oo ah dareyska ciidamada, iyadoo sidoo kale la xiray darawalkii waday gaariga.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in gaariga oo sumaddiisu tahay WQ 713 uu ka yimid dhanka maamulka Galmudug, isla markaana muddo ay ciidamada ammaanku la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa, ka hor inta aan howlgal lagu soo qaban.

Booliska Puntland ayaa sheegay in baaritaanno ay socdaan si loo ogaado cid kasta oo ku lug lahayd rarista iyo gudbinta dareyska ciidamada.

Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay gaari uu waday nin la sheegay inuu ku jiray xaalad sakhraannimo, kaas oo gudaha xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo ku jiiray qof shacab ah, islamarkaana isku dayay inuu goobta ka baxsado.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/Sare Maxamuud Muuse Bille (Farda-fuul), ayaa ugu baaqay shacabka Gaalkacyo inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo adkeeyo nabadgelyada, isagoo digniin u diray dadka ku lug leh falalka amni-darrada.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad u dhexeysa ciidamada Puntland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa hore sidoo kale ugu eedeysay maamulka Galmudug inuu Dowladda Federaalka kala shaqeynayo abaabulka maleeshiyaad ay sheegtay in loo adeegsanayo falal ka dhan ah amniga Puntland.

WARARKII KALE

Ruushka oo si adag ugu hadlay weerarkii Ukraine ku beegsatay markab Iiraan leedahay

Ruushka ayaa sheegay in weerarkii markabka Iiraan ay ku...

Madaxweyne Xasan sheekh oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Darin LaHood  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo si adag u Cambaareysay Weerarradii lagu Beegsaday Sacuudiga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarradii...

Wasiir Cali Xoosh oo si adag uga Jawaabay Mucaaradka: “Dib Looguma Noqonayo Marxaladihii Ku-meelgaarka”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Wafdi ka socda DF oo qeyb galaya Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Ciidanka Xoogga  oo Dib ula Wareegay Deegaanka Sumadaale ee G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan dib ugula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles