Fadhiga BFS oo Beri Furmaya iyo caqabado horyaala

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah yeesho kalfadhigiisii ugu horreeyay ee sannadka dheeraadka ah, iyadoo ajandaha ugu weyn uu yahay furitaanka kalfadhiga iyo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriimo rasmi ah oo lagu wargelinayo in ay soo xaadiraan fadhiga, kaas oo si rasmi ah loogu furayo kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Fadhigan ayaa qorshuhu yahay in lagu doorto guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, iyadoo musharixiin badan ay ku loollamayaan xilkaas. Loolanka doorashada ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan kulamo iyo ololayaal ay wadaan musharrixiinta iyo taageerayaashooda.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka berri ayaa wajahaya caqabado siyaasadeed oo waaweyn. Xildhibaanno badan ayaa si cad uga soo horjeeda furitaanka kalfadhiga sannadka dheeraadka ah, iyagoo ku doodaya in muddo-xileedka hay’adaha federaalka uu dhammaaday, isla markaana aanay sharci ahayn in la furo kalfadhigan.

Dhanka kale, xildhibaannada laga soo doortay Puntland iyo Jubbaland ayaa hore u qaadacay sannadka dheeraadka ah ee Baarlamaanka, mana cadda inay ka qayb geli doonaan fadhiga iyo doorashada guddoomiyaha cusub.

Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda ku wajahan sida uu u qabsoomi doono kulanka berri, iyadoo la sugayo in Baarlamaanku yeesho kooram ku filan iyo in doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ay u dhacdo sidii loo qorsheeyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan miro dhal ah laqaatay kaliyaha xogeeyaha guud ee arrimaha dibadda mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Golaha Shacabka oo laalay qaraarkii Xamse ee tartanka xilalka agaasime-waaxeedyada

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laalay qaraar...

TPLF oo la wareegtay garoonka diyaaradaha Mekelle

Wararka ka imanaya gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegaya...

Shir lagu ansixiyay qorshaha qaran ee El Niño oo ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Jibriil Cabdirashiid Xaaji...

Puntland iyo mucaaradka oo ka digay doorasho la’aan iyo qorsho ay wadaan

Madaxda Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles