Friday, March 14, 2025

Kulan dhex maray SoDMA iyo Hay’adda Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan dhex maray Hay’adda SoDMA iyo qaar ka mid ah Hay’adaha QM ee ka howlgala Soomaaliya, sida; WFP, FAO, UNICEF, IOM, UNFPA, UN Women, UNHCR, UNDP iyo UNOCHA.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa looga hadlay is-waafajinta qorshayaasha hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada barnaamijyada lagu dhisayo adkaysiga bulshada iyo awoodaha hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka.

Dhinacyada ayaa isku raacay xoojinta wada shaqeynta iyo in la dhiirrigaliyo dhaqan-galka qorshayaasha ku aaddan hormarinta karaanka iyo aqoonta Hay’adaha dowlaadda, si ay isku filnaansho iyo awood dhammeystiran u gaaraan.

Ugu dambeyn; shirka waxaa lagu heshiiyay in uu noqdo mid la qabto afartii biloodba mar si loo xaqiijiyo isu-duwid dhammeystiran iyo wada shaqeyn ka dhaxaysa hay’adaha kala duwan ee ku lugta leh howl-gallada arrimaha bani’aadannimo ee dalka.

WARARKII KALE

Weerar lagu qaaday Askar ka tirsan Kenya

Kooxa hubeysan ayaa Xaduudka magaaloyinka Baladxaawo iyo Mandhera ku...

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor...

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

RW Xamsa oo Boqolaal Dadweyne ah Kula Afuray Suuqa Bakaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay lataliyaha sare ee arrimaha difaaca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Taliyaha Booliiska oo qabtay kulan looga hadlayey la dagaalanka AS

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles