Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga badda, horumarinta iyo tayeynta awoodaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, tababarrada, iyo is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo masuuliyiin kale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles