Wednesday, July 30, 2025

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Culus Ku Qaaday Daacish iyo Al-Shabaab

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa mar kale dardargelisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamada difaaca Puntland fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari.

Hawlgalladaasi, oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda Calmiskaad, ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay kooxahaasi ku sugnaayeen.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in lagu guuleystay burburinta xarumo muhiim ah oo ay kooxaha Daacish ku lahaayeen Calmiskaad, oo ay ku jiraan:

Keydkii guud ee raashinka oo muhiim u ahaa saadka kooxda, Xarun caafimaad oo ay u adeegsadeen daryeelka dhaawacyada iyo howlaha caafimaadka, Taliskii guud ee tababarada Daacish.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in hawlgalka lagu dilay dagaalyahanno badan oo ka tirsan Daacish, iyagoo tilmaamay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen goobaha muhiimka ah ee kooxda.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ee ka dhanka ah Kooxaha ku sugan Buuraha, waxaana saraakiishu ballanqaadeen inay sii laba-jibaarayaan weerarada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Dagaallo culus oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa dhowaan ka dhacay deegaanka Buug ee gobolka Bari. Puntland ayaa hore u caddeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan uusan istaagi doonin ilaa laga sugo nabad buuxda iyo ciribtirka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles