Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda.
Intii uu socday hawlgalku, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska.
Soo afjaridda wejigan koowaad waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqeyso hay’adaha dowliga ah ee sharciga ah.
Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu adkeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.
Dowladda Puntland waxay uga mahadcelinaysaa shacabka Gobolka Mudug wada-shaqeyntooda iyo taageerada ay u fidiyeen hay’adaha amniga, waxayna ku boorrinaysaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo kala dambeynta.


