Thursday, August 13, 2026

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii Tokar u magacaabay inuu noqdo Danjiraha Ukraine u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Yurii Tokar ayaa ah diblomaasi Ukrainian ah oo tan iyo 2025 ahaa Safiirka Ukraine ee Kenya, sidoo kalena ah Wakiilka Joogtada ah ee Ukraine u fadhiya UNEP iyo UN-Habitat ee Nairobi.

Tokar ayaa xilka Safiirka Ukraine ee Kenya loo magacaabay July 2025, iyadoo magacaabistiisa ay ka mid ahayd 16 safiir oo cusub oo Madaxweyne Zelensky magacaabay.

Tokar ayaa noqonaya diblomaasiga isku haya xiriirka Ukraine ay la leedahay Kenya iyo Soomaaliya, taas oo Kyiv u sahlaysa inay si dhow u maamusho xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

Ukraine ayaa sannadihii u dambeeyay xoojineysay xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, iyadoo xoogga saareysa dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga iyo iskaashiga siyaasadeed.

Soomaaliya oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo isku xirta Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya ayaa muhiimad gaar ah u leh danaha dalalka caalamka, gaar ahaan marka la eego amniga marin-biyoodka gobolka.

Waxaa xusid mudan in Yurii Tokar uu horey uga soo muuqday arrimo badan oo xiriir la leh siyaasadda Ukraine ee Afrika. Bishii Febraayo 2026 wuxuu ka qayb galay dadaallada Ukraine ee dhinaca gargaarka cuntada ee Kenya, halka bishii May uu ka qayb galay munaasabado lagu xoojinayay xiriirka dhaqan iyo diblomaasiyadeed ee Ukraine iyo Kenya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

Israa’iil oo ciidamo dheeraad ah u direysa tuulo ay ku go’doonsan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah

Israa’iil ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles