Thursday, March 13, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgalka ka dhanka ah Daacish iyo AS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay bogaadisay Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ka wada gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas lagu soo afjarayo kooxda argagaxisada ah.

Waxeey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

KooxHa Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha al shabaab iyo daacish ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 13/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxii Drones-ka ee Daacish oo lagu dilay Buuraleyda Cali-miskaad ee G/Bari

War ka soo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland...

Maxaa looga hadlayay shirka golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo safiirka dowladda turkiga oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Safiirka...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka IGAD ee looga hadlay Colaada Koofurta Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay shirweynaha...

RW Xamsa oo booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles