Iran ayaa ku baaqday in la sii daayo saddex duuliye oo Iiraaniyiin ah, kuwaas oo ay sheegtay in Qatar ay qabatay kaddib markii laba diyaaradood oo dagaal ay waxyeello ka soo gaartay difaaca cirka intii lagu jiray hawlgal milatari oo dhacay bilowgii dagaalkii Mareykanka iyo Iran.
Warqad uu u diray madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), Sarreeye Guuto Mohammad Bagherzadeh oo ka tirsan ciidanka Iran ayaa sheegay in duuliyeyaasha — Javad Salehi, Abdul Majid Dashtian iyo Imran Behroshian — la haystay muddo lix bilood ah.
Wuxuu sheegay in meydka duuliye afraad, Majid Kazemi, dib loogu celiyay Iran kaddib markii lagu dilay isla hawlgalkii dhacay 2-dii Maarso 2026, oo ahayd maalintii saddexaad ee dagaalka.
Qatar ayaa “si cad oo aan wax shaki ah ku jirin u beenisay” sheegashada Iran, waxayna sheegtay inay “la yaab ku noqotay hadalladan marin-habaabinta ah”.
Gen. Bagherzadeh ayaa sheegay in saddexda duuliye ay Qatar qabatay kaddib markii ay diyaaradahooda ka boodeen xilli ay ku jireen hawlgal dagaal oo ka dhacay saldhig milatari oo Qatar leedahay.
Warqadda loo diray madaxa ICRC, Mirjana Spoljaric, oo ay baahiyeen warbaahinta Iran, wuxuu Qatar ku eedeeyay inay ku xadgudubtay “xuquuqda lama taabtaanka ah ee maxaabiistan, taas oo ka hor imaanaysa dhammaan sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah”.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in saddexda duuliye aan loo oggolaan inay la kulmaan ama la xiriiraan qoysaskooda.


