Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhacdo naxdin leh oo laga soo sheegay magaalada Hargeysa, taas oo la xiriirta geerida hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf.
War kasoo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si weyn uga tiiraanyeysan tahay dhacdada ka dhacday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay nafteeda ku weysay hooyadan oo lagu tilmaamay inay ahayd qof danyar ah.
Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda, marxuumad Nimco Jaamac Yuusuf ayaa dhowaan ku umushay isbitaalka, iyadoo muddo ku dhow toddobaad ku jirtay xaalad adag. Wasaaraddu waxay sheegtay in dadka deegaanka ay sheegeen in dhibaatooyin dhaqaale iyo awood la’aanta bixinta kharashaadka adeegga caafimaadka ay qeyb ka ahaayeen duruufihii ay wajahaysay.
Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa si adag uga hadashay xaaladda, iyadoo ku baaqday in aan la oggolaan in hooyooyin iyo dadka danyarta ah ay waayaan daryeel caafimaad sababo la xiriira duruufo dhaqaale.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadan, iyadoo ku boorrisay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan inay ka shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa xaalado noocan oo kale ah.
“Waxaan si aad ah ugu boorineynaa guud ahaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan inaan la ogolaan sii socoshada xaaladaha noocaan ah ee aan ku weynayno hooyo,” ayay tiri wasiiraddu.
Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelka iyo qoyska marxuumadda, iyadoo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.
Dhacdadan ayaa dhalisay murugo iyo hadal-heyn xooggan, iyadoo sidoo kale su’aalo laga keenayo xaaladda adeegyada caafimaadka iyo sida dadka danyarta ah loogu heli karo daryeel caafimaad marka ay awoodi waayaan kharashaadka.


