Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka oo dhacay 12-kii Agoosto 2026 ayaa lagu dilay saddex hoggaamiye oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka dhaawac culus lagu gaarsiiyay hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Mustaf Caato, kaas oo NISA ay sheegtay inuu ahaa madaxa guud ee waxa Al-Shabaab ugu yeeraan Jabhadaha Gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in Mustaf Caato uu dhaawac halis ah kasoo gaaray howlgalka, waxaana markii dambe laga qaaday degmada Maxaas, iyadoo loo gudbiyay degmada Ceelbuur si halkaasi loogu daweeyo.
Hay’adda ayaa tilmaantay in Mustaf Caato uu muddo dheer ku lug lahaa qorsheynta iyo isku-dubbaridka weerarrada Al-Shabaab, isla markaana uu horey u maamulay qeybta qaraxyada iyo kuwa ismiidaamiya.
Sidoo kale, NISA waxay magacyada saddexda hoggaamiye ee lagu dilay howlgalka ku sheegtay Cabdi Xaafid, oo ka tirsanaa qeybta qaraxyada; Daalibaan, oo ka tirsanaa qeybta gurmadka Gobolka Hiiraan; iyo Cumar Xuseen, oo hoggaamiye u ahaa qeyb ka mid ah waxa Al-Shabaab ugu yeeraan Jabhadaha.
Waxaa kale oo howlgalka lagu dhaawacay laba hoggaamiye oo kale oo lagu kala magacaabo Maxamed Eeney iyo Salaad Buur, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa sheegtay in Mustaf Caato uu muddo ka mid ahaa bartilmaameedyada mudnaanta sare u lahaa hay’adaha amniga, iyadoo lagu eedeeyay inuu door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo dagaallada ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka wadaan gobolka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada amni ee dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda hoggaamineed iyo tan ciidan ee maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay weli ka howlgalaan ee bartamaha Soomaaliya.
Duqeyn lala beegsaday Guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab
NAGU SOO BIIR


