Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo la filayo inay si rasmi ah shaqada uga bilowdo magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bishan Agoosto 2026.
Stevens-Klitz ayaa ah diblomaasi muddo dheer ka tirsanaa adeegga diblomaasiyadda Mareykanka, waxaana ay leedahay in ka badan 25 sano oo waayo-aragnimo ah, iyadoo xilal kala duwan kasoo qabatay dalal ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo Yurub.
Ka hor inta aan loo magacaabin Soomaaliya, waxay La-taliye Arrimaha Bulshada kasoo ahayd Safaaradda Mareykanka ee Senegal iyo Guinea-Bissau. Intii ay ku guda jirtay shaqadeeda diblomaasiyadeedna waxay kasoo shaqeysay dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Masar, Morocco, Jarmalka, Israa’iil iyo Armenia, iyadoo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabatay Washington.
Khibraddeeda ayaa si gaar ah ugu saleysan xiriirka bulshada, dhisidda iskaashi lala yeesho dowladaha martida loo yahay, hay’adaha caalamiga ah, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah, iyo xoojinta is-dhaafsiga xogta iyo fikradaha.
Waxay sidoo kale khibrad u leedahay la shaqaynta dhalinyarada iyo hoggaamiyeyaasha soo koraya, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo ganacsi, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka, iyo taageeridda xorriyadda saxaafadda.
Stevens-Klitz waxay Bachelor of Science in Foreign Service ka qaadatay Georgetown University, halka ay Master of Strategic Studies ka qaadatay U.S. Army War College. Waxay sidoo kale ku hadashaa luqadaha Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Carabiga.
Magacaabisteeda ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka uu si weyn ugu saleysan yahay iskaashi dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, xasilinta, horumarinta hay’adaha dowladda iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Imaatinka diblomaasiyaddan cusub ee Muqdisho ayaa sidaas darteed indhaha lagu hayaa, iyadoo laga filayo inay door ka qaadato xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.


