Sunday, August 16, 2026

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan lagu dilay saddex horjooge oo sare iyo shan maleeshiyo ah oo ilaalo u ahaa.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen afar horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliska NISA ayaa sheegay in saddexda horjooge ee howlgalka lagu dilay ay kala ahaayeen Siciid Xuuriye, oo ahaa horjoogihii qaabilsanaa baadda Bariga Gobolka Hiiraan, Xamse Bakool, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee loo yaqaanay Jabhadaha, kana howlgalayay Hiiraan, iyo Cusmaan, oo ahaa horjoogihii loo yaqaanay Fursaanta.

Sidoo kale, howlgalka ayaa lagu dilay shan maleeshiyo oo ilaalo u ahaa horjoogeyaasha, halka afar kale lagu dhaawacay, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ahaa horjooge Khaalid Ciro.

NISA ayaa sheegtay in goobta bartilmaameedka uu si dirqi ah uga baxsaday Cabdikariin Yuusuf Axmed, oo ahaa horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanka Tardo.

Howlgalkan ayaa Taliska NISA ku sheegay inuu qeyb ka yahay howlgallada joogtada ah ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda kooxda ee abaabulka iyo fulinta weerarrada.

Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka muddooyinkii dambe ka wadeen howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxaya...

DF oo ka hadashay haweenay ku geeriyootay Hargeysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles