๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ฎ๐ฎ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐š๐œ๐ฎ๐ฎ๐๐ข ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ.

Wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐’๐ฎ๐ฅ๐๐š๐š๐ง ๐€๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐€๐ฅ-๐Œ๐š๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ oo casuumaad rasmi ah ka helay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Maamulaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan Xukumadda Soomaaliya, kulamadaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha maalgalinta mashaariicda horumarineed ee gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weyhliyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullhi Bidhaan Warsame ayaa intii lagu sugnaa qeybta soo dhaweynta ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa ay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Dalka iyo qorshayaasha kulamada soo socda ay siiyeen Suldaan Al-Marshad iyo wafdiga la socday.

Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maamulaha Guud aqbalaadda casuumaddii uu u fidayay.

โ€œSharaf ayay ii tahay in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyo Suldaan Al-Marshad iyo kooxda la socota oo booqasho taariikhi ah noogu yimid, inta lagu guda jiro imaatinkiisa Soomaaliya waxa aan wada yeelan doonaa shirar muhiim ah, waxa aan isla meel dhigi doonaa fursadda maalgalineed ee hadda ka jira Soomaaliya, si aan sare ugu qaadno dhaqaalaha Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sucuudiga waxa uu ka mid yahay heyโ€™adaha sida gaarka ah ula shaqeeya Dowladda sidoo kalena waxa uu qeyb weyn kulahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha ee horseeday in Dowladda Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

Sida ay qortay warbaahinta Bloomberg Itoobiya ayaa ciidamadeeda kala...

UK oo DF iyo Laftagareen ugu baaqday in ay wadahadlaan, iyo inay xakameeyaan xiisadda Baydhabo

Dowladda Britain ayaa walaac ka muujisay colaadda iyo iska...

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo la ogaaday inay tababar drones ah ku qaateen Dalka Yemen

Warbixin uu baahiyay wargeyska Yemen Online ayaa lagu sheegay...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW ku xigeenka Puntland โ€œโ€œPuntland kama goโ€™eyso Soomaaliyaโ€

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles