Dagaal qaraar ayaa aroornimadii hore ee saaka ka bilowday daafaha magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kaas oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dagaalka ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo xaaladda amni ay tahay mid aad u kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas iyo dhawaqa hub culus.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Laftagareen oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo. Sidoo kale, Ugaas Xasan iyo Wasiirkii hore Xasan Cabdiqaadir ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen magaalada Baydhabo.
Hase yeeshee, sheegashada ah in magaalada si buuxda loola wareegay ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin, waxaana weli socda iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyada.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo dhinacyada taageersan Laftagareen.
Xaaladda Baydhabo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, waxaana weli socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ah.


