Monday, August 17, 2026

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa ka hadlay weerarka ay saaka magaalada Baydhabo kusoo qaadeen maleeshiyaad uu ku tilmaamay Khawaarij.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxda ay isku dayday inay qabsato magaalada Baydhabo, balse ciidamada qalabka sida ay si adag uga hortageen weerarka, isla markaana ay iska difaaceen.

โ€œWaxaa saaka magaalada Baydhabo weerar argagixiso kusoo qaaday Khawaarijta, iyagoo isku dayey inay qabsadaan magaalada Baydhabo. Waxaan ku ammaanayaa ciidamada qalabka sida sida ay isaga difaaceen weerarka Khawaarijta,โ€ ayuu yiri Wasiir Xasan Xuseen Maxamed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo socda la soo bandhigi doono meydadka iyo dhaawacyada maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyo sidoo kale gaadiid gaashaaman oo uu sheegay inay wateen, kuwaas oo loogu talagalay in shacabka Baydhabo lagu waxyeelleeyo.

โ€œSaacadaha soo socda waxaa la soo bandhigi doonaa meydadkooda, dhaawacyadooda iyo baabuurtii gaashaamnaa ee ay rabeen inay ku gumaadaan shacabka magaalada Baydhabo, kuwaas oo ciidamada dowladdu la wareegeen,โ€ ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ciidamada dowladda u rajeeyay guul, isagoo ku dhawaaqay: โ€œGeeshkeenow guulaysta.โ€

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaa

Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles