Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen), ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in ciidamadu ay ku jiraan hawlo la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo sidoo kale lagu dhaleeceeyay wararka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in ciidamadaas lagu wiiqo.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlaha ay u arkaan inay muhiim u yihiin amniga iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, wuxuuna ka digay faragelin lagu sameeyo ciidamadooda.
Laftagareen ayaa difaacay ciidamadiisa kuwaas oo hadda ka hawlgala bannaanka magaalada, isagoo sheegay in ay u taagan yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, isla markaana aan la aqbali doonin faragelin lagu sameeyo.


