Tuesday, August 18, 2026

DF oo sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa xalay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka howlgala gobolka.

Horjoogaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo 50 jir ahaa, kuna dhashay degmada Ruunirgood.

Xasan Calasow Raage ayaa ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ahaa horjoogaha gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay.

Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

WARARKII KALE

Wasiir Fiqi iyo Taliyaha ciidanka xoogga oo tagay Taliska Danab ee Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan...

Wadahadallada Janan iyo Jubbaland oo ka bilaabanaya Nairobi

Kulamo lagu dhameystirayo wadahadalladii maalmihii lasoo dhaafay u socday...

Markab Xamuul ah oo lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Markab xamuul ah ayaa Isniintii lagu afduubtay meel ka...

Waa sidee saaka Xaalada Baydhabo

Waxaa saaka degan xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka...

Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa khadka taleefanka kula...

Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles