Wednesday, July 2, 2025

RW Xamsa oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS, iyada oo danjire Souef uu xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Midowga Afrika uga mahad celiyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 01/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska 1 Luulyo ee maanta lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay...

Madaxii Miinooyinka Al-shabaab u qaabilsanaa G/Sh/hoose iyo ilaaladiisa oo la dilay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka...

MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka...

Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza

Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles