Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha dalka iyo cabsida laga qabo fatahaado culus oo ay sababaan Roobabka Dayrta oo la filayo in ay dhowaan ka bilowdaan qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga baahanyahay in ay bulshada Soomaaliyeed ka wacyigaliyaan Khataraha ka imaan kara fatahaadaha, kuwaas oo dhibaato kasoo gaarto dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo isku dubarridka deeqaha iyo abaabulka bulshada.
Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan u diyaar-garowga ka jawaabista masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah iyo qorshaha lagu wacyigalinayo bulshada ku hareeraysan wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira in ay saameeyaan fatahaadaha Roobabka.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa faray guddiga in ay xoogga saaraan isku duwidda howlaga gurmadka, abaabulka deeq-bixiyayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeyb-qaadanaya badbaadinta dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noq-noqda.


