Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta taageerada Boqortooyada Ingiriiska ee hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay mowduucyo kala duwan iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, si loo yareeyo khatarta kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada iyo garab-istaagga ay siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

WARARKII KALE

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Hindiya oo Soomaaliya Kala Hadashay Afduubka Laba Markab iyo 22 Badmaax oo Hindi ah

Hindiya ayaa Soomaaliya kala hadashay afduubka laba markab oo...

Iiraan oo Cumaan iyo Masar kala tashatay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodyada loona yareyn lahaa xiisadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa taleefanno kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles