Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay howlgalka aroornimadii hore ee maanta ka dhacay xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu cambaareynayo waxa uu ku tilmaamay “tallaabo gurracan” oo taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsaday shacabka ku nool xaafadda Tookiyo.

Wuxuu sidoo kale nasiib-darro ku tilmaamay in ciidamada Qaranka, oo uu sheegay in loo dhisay ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinta, loo adeegsado barakicinta boqolaal qoys iyo in hantidooda si sharci-darro ah loo boobo.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada gurracan ee taliska muddo-xileedkiisu dhammaaday uu aroornimadii hore ee saakay ku beegsaday shacabka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiiid,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale shacabka xaafadda Tookiyo uga tacsiyeeyay khasaaraha naf iyo maalba leh ee uu sheegay inuu ka dhashay weerarka.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda inay muujiyaan midnimo, si looga hortago waxa uu ku tilmaamay “sii socoshada gabood-fallada ka dhanka ah bulshada”, kuwaas oo uu sheegay inay dhaawacayaan sharafta dowladnimada iyo hantida ummadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre oo digniin culus u diray saraakiil uu ku eedeeyay dhul-boob iyo barakicin ka socda degmada Dayniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Midowga Afrika iyo EU oo ka digay burburka AUSSOM iyo dib-u-dhaca dagaalka Al-Shabaab

Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka...

QOOR QOOR “Lafta-gareen waa la xiriiraynnaa, wafdina waa u diraynnaa”

Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...

Odawaa oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay xiisadaha Lafta-gareen iyo Ugaas Yuusuf

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku...

Ugaaska Beesha Murusade oo dadkiisa ugu baaqay inay is difaacaan

Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles