IMO oo ka digtay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday in si degdeg ah wax looga qabto soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya, xilli la sheegay in lix markab oo ganacsi iyo in ka badan 90 badmaaxiin ah ay gacanta ugu jiraan kooxo burcad-badeed ah oo ka howlgala xeebaha Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee IMO, Arsenio Dominguez, ayaa digniintan soo saaray kadib afduubkii markabka shidaalka qaada ee Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan Sibu 1, kaas oo 20-kii Agoosto ay qabsadeen kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah.

Dominguez ayaa sheegay in afduubka Seamull uu ka dhigan yahay markabkii lixaad ee xilligan ay hayaan burcad-badeed ama kooxo hubeysan, isagoo ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta la haysto.

Sida ay sheegtay Xarunta Isku-xirka Macluumaadka Badaha (JMIC), lixda markab ee weli la haysto ayaa kala ah Honour 25, Sward, Eureka, Asana, Lutuf iyo Seamull.

Laba kamid ah afduubyadan ayaa dhacay toddobaadkan. Markabka xamuulka ee Lutuf ayaa 17-kii Agoosto lagu qafaashay meel qiyaastii afar mayl-badeed u jirta xeebaha Puntland, kadib markii koox hubeysan ay dusha uga fuushay.

Saddex maalmood kadib, lix nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay markabka Seamull xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bariga magaalada Al Mukalla ee Yemen. Kooxda ayaa la wareegtay markabka, waxayna u weecisay dhanka Soomaaliya.

Seamull oo culeyskiisu yahay 32,200 tan, ayaa hore loogu yaqaanay magaca Sibu 1. Markabka ayaa la sheegay inuu diray fariin digniin ah oo ahayd “PIRATE ONBOARD HELP”, ka hor inta uusan beddelin jihadiisa. Hadda waxaa lagu soo waramayaa inuu ku xiran yahay meel ka baxsan xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubyadan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli burcad-badeednimada Soomaaliya, oo sanadihii lasoo dhaafay hoos u dhac weyn laga dareemayay, ay mar kale walaac ku abuurtay maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

JMIC ayaa sheegtay in dabeylaha xilliga monsoon-ka koonfur-galbeed ay weli adkeynayaan in burcad-badeeddu doonyo yaryar ku gaaraan meelaha aadka uga fog xeebaha, balse biyaha ku dhow xeebaha Soomaaliya ay siinayaan kooxaha burcad-badeedda fursad ay ku howlgalaan.

Afduubka Seamull oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ayaa sidoo kale muujinaya in kooxaha burcad-badeeddu ay weli awood u leeyihiin inay gaaraan maraakiib ku sugan masaafo dheer.

Xoghayaha Guud ee IMO ayaa ugu dambeyn ku baaqay in dib loo xoojiyo iskaashiga ciidamada badda ee caalamka, isagoo xusay in wada-shaqeyn caalami ah ay door weyn ka qaadatay xakamaynta burcad-badeednimadii Soomaaliya sanadihii hore.

IMO waxay hadda ku baaqaysaa tallaabo degdeg ah si looga hortago in xaaladda amni ee badda Soomaaliya ay mar kale isu beddesho khatar weyn oo caalami ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo...

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh Tirada dadka...

Al-Shabaab oo sii daysay 5 xoolo-dhaqato Kenyan ah oo laga afduubtay Mandera

Shan xoolo-dhaqato ah oo Kenyan ah, kuwaas oo la...

Guddoomiye Muungaab oo si adag uga hadlay burburinta dhulalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab, ayaa si adag uga hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles