Laftagareen oo beeniyay xiriir uu la leeyahay Al-Shabaab

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa si adag u beeniyay eedeymaha sheegaya in xiriir ama wada-shaqeyn ay kala dhaxeyso isaga iyo kooxda Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa hadalkan sheegay xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ee cusub ay ku eedeeyeen ciidamo isaga taabacsan oo ku sugan duuleedka Baydhabo inay xiriir iyo iskaashi la leeyihiin Al-Shabaab.

Eedeymahaasi ayaa kusoo aadaya iyadoo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ay weli tahay mid kacsan.

Wareysi uu bixiyay Laftagareen ayaa sidoo kale ku sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay ka cabanayaan xaaladda ka taagan deegaannadooda, isla markaana ay u adkeysan la’yihiin waxa uu ku tilmaamay dhibaato lagu hayo shacabka.

Wuxuu sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay doonayaan in laga dulqaado ciidamo uu ku tilmaamay kuwo “soo duulay”, kuwaas oo sida uu sheegay laga keenay deegaanno kale.

Laftagareen ayaa sidoo kale difaacay ciidamada isaga taabacsan, isagoo sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin Al-Shabaab, isla markaana eedeymaha loo jeedinayo ay qeyb ka yihiin khilaafka siyaasadeed iyo milatari ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Khilaafka u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe sababay isku dhacyo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay Baydhabo iyo duleedyadeeda.

Warbixin hore oo la xiriirta dhinaca Laftagareen ayaa sidoo kale diiday eedeymaha xiriirka Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in ciidamadoodu ay yihiin kuwo sharci ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin cidda sharci ahaan mataleysa maamulka Koonfur Galbeed iyo sida loo wajahayo xaaladda amni ee Baydhabo.

WARARKII KALE

DFS oo dib u furtay Garoonka Doolow kadib labo sano oo xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u furtay Garoonka Diyaaradaha...

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka KGS ee Baydhabo

Maxamed Isaaq Arbo, oo sida lagu sheegay war kasoo...

Iiraan oo si adag uga hadashay qorshaha qaarijinta wiilka Trump

Mohsen Rezaei, oo ah Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha Wasiirrada oo ka hadlay amniga iyo la-dagaallanka Alshabaab

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Xiriirka kubada cagta Yurub oo wada dacwad ka dhana madaxweynaha FIFA

Xiriirka u dhexeeya madaxweynaha UEFA, Aleksander Čeferin (bidix), iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles