Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, ayaa magaalada Dooxa kulan gaar ah kula yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyadoo labada dhinac ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha amniga gobolka.
Kulamada oo ka dhacay xilli wasiiraddu ay Qatar ku joogto socdaal ay ku marayso dalalka Khaliijka, ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, sidii loo horumarin lahaa iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo horumarineed, iyo sidoo kale xaaladaha ka taagan gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac daneynayaan.
Wasiiraddu waxay adkaysay xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya, iyadoo tilmaantay inay labada shacab ka dhexeeyaan xiriirro bulsho, ganacsi iyo walaaltinimo oo soo jireen ah.
Yemen ayaa sidoo kale mar kale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.
Wasiiraddu waxay sheegtay in xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen ay laf-dhabar u tahay amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Kulamada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in dalalka ku teedsan biyahaasi ay xoojiyaan iskaashigooda si loo ilaaliyo amniga iyo badqabka maraakiibta iyo isu-socodka badda, loogana hortago argagixisada, tahriibka, burcad-badeedda iyo khataraha xuduudaha ka gudba.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la joogteeyo wada-xiriirka iyo isku-dubbaridka wasaaradaha arrimaha dibadda, lana kordhiyo booqashooyinka iyo is-dhaafsiga khibradaha, si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal loona ballaariyo dhinacyada iskaashiga.


