Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa kulan heer sare ah oo ay isugu imanayaan madaxda ugu sarreysa ee dhinacyada diblomaasiyadda iyo difaaca ee Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, waana kulankii ugu horreeyay ee saddexdan dal yeeshaan tan iyo markii ay horraantii bishan saxiixeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka.
Kulanka waxaa ka qeyb galaya Wasiirrada; Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Turkiga.
Kulankan ayaa gogol-xaar u noqonaya dhismaha rasmi ah ee Guddiga Istaraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca, kaas oo noqon doona madal ay saddexda dal iskaga kaashanayaan dejinta siyaasadaha amniga, qorsheynta difaaca iyo xoojinta iskaashiga Military.
Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa sheegtay in ajandaha kulanka uu diiradda saarayo xaaladaha amniga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadli doono sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada, iskaashiga difaaca iyo wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee xubnaha heshiiska.
Heshiiskii difaaca ee Maka (Makka Joint defense Agreement), ayaa lagu tilmaamay hannaan cusub oo ku dhisan difaac wadajir ah, kaas oo mabda’ ahaan u eg xulafada NATO, iyadoo weerar lagu qaado hal xubin loo arki karo weerar ku dhan ah dhammaan xubnaha isbahaysiga.
Aasaaska isbahaysigan ayaa yimid kaddib isbeddelladii waaweynaa ee amniga gobolka bariga dhexe iyo xiisadihii ka dhashay dagaalkii dhaxmaray; Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.
Turkigu, wuxuu leeyahay ciidanka 2aad ee ugu weyn NATO, Pakistan waa awoodda Nuclear ee keliya ee dunida Muslimka ah, halka Sacuudi Carabiya ay tahay quwad dhaqaale iyo tamareed oo miisaan culus ku leh gobolka iyo caalamkaba.!
Dhanka ballaarinta isbahaysiga, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa wareysi uu bishii Agoosto siiyay Al Jazeera ku sheegay in Masar ay mustaqbalka qayb ka noqon karto heshiiskan. Bangladesh-na waxay dhankeeda sheegtay inay aad uga fiirsanayso ku biirista isbahaysigaan seddaxda dal.
Suuragalnimada ballaarinta xulafadaan ayaa walaac iyo cadaadis mustaqbalka ah gaar ah ku abuurtay dalka Hindiya. New Delhi ayaa si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqaan maadaama Pakistan oo ay deris yihiin door wayn ku leedahay samaysanka Isbahaysigaan, taas oo wallaaca kor u qaadi karta haddii Bangaladesh ku biirto Isbahaysigaan.


