Soomaaliya oo Dalalka Carabta ugu Baaqday inay Ka Hortagaan Aqoonsiyo Kale oo la siiyo Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland.

Cali Balcad ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, isagoo sheegay in Soomaaliya ay xiriir toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si ay ugu gudbiso mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Muqdisho ay si dhow ula socoto doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada ku saabsan suurtagalnimada aqoonsiyo kale oo Somaliland loo fidiyo, isagoo xusay in Soomaaliya aysan aqoonsiga Israa’iil u arkin arrin astaan ah oo keliya, balse ay u aragto tallaabo saameyn ku yeelan karta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsigii Israa’iil uu ahaa kii ugu horreeyay ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay uu Somaliland siiyo, kadibna ay labada dhinac sameeyeen xiriirro diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga safiirrada iyo furitaanka safaarad Somaliland ay ku leedahay Qudus.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadaasi illaa hadda aysan dhalin mowjad aqoonsiyo kale oo caalami ah, balse Soomaaliya ay doonayso in dalalka Carabta aysan ku ekaan cambaareyn, balse ay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda si looga hortago in aqoonsigaasi noqdo mid sii fida.

Wasiiru-dawlaha ayaa sidoo kale ka digay in arrinta Somaliland loo rogo mid milatari ama amni, isagoo sheegay in Soomaaliya ay walaac ka qabto joogitaan ciidan ama sirdoon oo shisheeye oo aan oggolaansho ka haysan dowladda Federaalka.

“Ujeeddadu ma aha oo keliya in la soo saaro cambaareyn, balse waa in laga hortago in aqoonsi hal dhinac ah uu isu beddelo olole ballaaran,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wuxuu ku dooday in midnimada Soomaaliya aysan ahayn arrin ku kooban Soomaalida oo keliya, balse ay tahay arrin saameyn ku yeelan karta xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka, haddii ay soo baxaan tallaabooyin lagu beddelayo xuduudaha iyo qaab-dhismeedka dalalka gobolka.

WARARKII KALE

Deni oo Boosaaso kula kulmay saraakiil ka socotay Africom

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada...

Yemen” Xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen waa laf-dhabarta amniga Badda Cas”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba,...

Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shir heer caalami ah oo ka dhacaya Serbia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu...

Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles