Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA).
Ugu horreyn, Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyey howlaha ay ka hayaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, waxqabadka ay muddadii ay xilka hayeen ku tallaabsadeen iyo dadaallada ay ku bixinayaan sidii loo xoojin lahaa doorka iyo matalaadda Soomaaliya ee hay’adaha sharci-dejinta ee gobolka.
Xildhibaanadu waxay sidoo kale Guddoomiyaha la wadaageen arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan, gaar ahaan xoojinta iskaashiga baarlamaanada dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika, horumarinta xiriirka baarlamaanada iyo ka qeybqaadashada dadaallada gobolka ee ku aaddan nabadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dhageystay warbixinta Xildhibaanada, isagoo uga mahadceliyey dadaallada ay ugu jiraan gudashada waajibaadka loo igmaday iyo matalaadda Soomaaliya ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ka tirsan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ay si dhow ula shaqeeyaan Golaha Shacabka, isla markaana ay door muuqda ka qaataan difaaca iyo horumarinta danaha qaranka, xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka iyo sidoo kale ka faa’iideysiga fursadaha iskaashi ee ka dhasha xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ku boorriyey in ay sii laba jibaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan qaranka, isagoo xusay in Golaha Shacabku uu diyaar u yahay garab istaagga iyo taageerada ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda baarlamaaniga ah, una xoojiyaan codka iyo matalaadda Soomaaliya ee heer gobol.


