Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaa shaaciyay in howlgal wada-jir ah oo ay qaadeen ay ku dileen Cabdullaahi Xaashi Laabajir (Ikhlaas), oo ahaa madaxii sirdoonka al-Shabaab, howlgalkaas oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe 23-kii Agoosto.
Waxaa la sheegay inuu xilka madaxa sirdoonka hayay tan iyo 2013-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee muhiimka ah ee al-Shabaab.
“Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka @HSNQ_NISA iyo Saaxiibada caalamka oo 23-kii Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas), oo ahaa Madaxa Guud ee Sirdoonka Khawaarijta. Ikhlaas ayaa xilkan hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, wuxuuna ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu muhiimsan hoggaanka sare ee Khawaarijta.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska NISA
NISA ma soo bandhigin sawirada horjoogaha ay sheegtay in duqeyn lagu dilay.



