RW Xams oo kulan la qaatay dhiggiisa Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Qaasim Al Taani kadib booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ay wehliyeen wasiirro iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan weftiga ayaa dhiggiisa Qatar uga warbixiyay xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya, horumaraddii la gaaray sanadihii dambe iyo guulaha dhanka amniga iyo xasilloonida ee lagu talaabsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa si qoto dheer uga wada xaajooday qadiyadaha caalamka ee dhanka amniga, nabadda iyo sidii la isaga kaashan lahaa xal u helista arrimaha carqaladda ku ah habsami u socodka Ganacsiga Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed, ayaa dhankiisa si weyn u boggaadiyay horumarka ay ku talaabsatay Soomaaliya iyo wax-qabadka dowladda Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in xiriirka labada dal uu yahay mid xooggan, kuna dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay sidii ay isu barbar taagtay madax-banaanida dhulleed iyo qaranimada Soomaaliya markii lagu soo xad-gudbay Jamhuuriyadda, taasi oo shacabka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan dowladda iyo shacabka Qatar.

WARARKII KALE

Guddoomiye Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliya ku metela Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)...

DF oo shaacisay in la dilay mid ka mid ah hoggaamiyaasha Sare ee Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga...

Sacuudiga oo Soomaaliya dib ugu soo celiyay qaxooti Soomaali ah oo Yemen ku noolaa

Xarunta Gargaarka iyo Gurmadka Boqor Salmaan (KSrelief) ayaa Soomaaliya...

Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya oo dalkiisa dib ugu laabtay

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya, Suleiman Dedefo, ayaa ka baxay...

Iiraan oo war ka soo saartey cunaqabateynta Maraykanka iyo xannibaadaha marinka Hormus

Dowladda Iiraan ayaa ballan-qaadday inay sii wadi doonto ka...

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Johg Un oo tallaabo cusub qaaday

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku warantay in hoggaamiye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles