Warbaahinta Axios, oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah, ayaa warbixin ay baahisay ku sheegtay in Donald Trump uu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qaado goobaha gantaallada iyo raadaarrada Iraan, si looga hortago weerarro lagu qaado maraakiibta maraya marinka Hormuz.
Sida ay sheegeen saddex sarkaal oo Mareykan ah, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo la-taliyayaashiisa sare ayaa ka fiirsanaya si ay uga wada hadlaan in weerarro lagu qaado gudaha ama agagaarka marinka Hormuz.
Waxaa la sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago “dib u dhiska awoodaha raadaarka iyo gantaallada Iraan”.
Xalay, weerar ay ciidamada Mareykanku ku qaadeen Iraan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen. Iraan ayaa weerarka kadib si degdeg ah u beegsatay saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Urdun.


