Booliska Boosaaso oo howlgal ku qabtay shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga xashiishka iyo hubka sharci-darrada ah

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyey howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha iyo hubka sharci-darrada ah, sida lagu sheegay warka Booliska.

Howlgalka oo laga sameeyey xaafadaha Laanta-Hawada iyo Xaafatu-Carab, ayaa lagu soo qabtay xubno muhiim ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen shabakadda.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu soo qabtay shixnado xashiish ah, qori AK-47 ah iyo bambooyin gacanta laga tuuro, kuwaas oo la sheegay in shabakadda ay u adeegsan jirtay hawlaheeda sharci-darrada ah.

Dadka la qabtay ayaa lagu tuhunsan yahay inay doorar kala duwan ku lahaayeen kaydinta, qaybinta iyo iibinta maandooriyaha, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo eedeymaha loo jeediyay.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah maandooriyaha iyo hubka sharci-darrada ah ay sii socon doonaan, iyadoo dadka lagu soo qabtay howlgalka loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo waafajiyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

DFS oo Deni ku eedeysay taageeridda kooxaha burcad-badeedda

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeyn culus...

Soomaaliya oo hoggaamineysa shirka Ganacsiga Geeska Afrika

Soomaaliya ayaa bishan hoggaamineysa shir muhiim ah oo looga...

Dowladda iyo Mucaaradka oo la sheegay inay is-afgarad hordhac ah ka gaareen doorashada

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Doorashada Galmudug iyo Hirshabelle oo hal mar la qabanayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-ka September 2026 u muddeysay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles