Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu, ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo Deni ku eedeysay taageeridda kooxaha burcad-badeedda

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeyn culus...

Booliska Boosaaso oo howlgal ku qabtay shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga xashiishka iyo hubka sharci-darrada ah

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso ka...

Soomaaliya oo hoggaamineysa shirka Ganacsiga Geeska Afrika

Soomaaliya ayaa bishan hoggaamineysa shir muhiim ah oo looga...

Dowladda iyo Mucaaradka oo la sheegay inay is-afgarad hordhac ah ka gaareen doorashada

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Doorashada Galmudug iyo Hirshabelle oo hal mar la qabanayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 30-ka September 2026 u muddeysay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles