Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), lagu cadaadinayo inay tagaan magaalada Muqdisho, si ay goobjoog uga noqdaan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ay wada gaareen dhinacyada mucaaradka iyo Villa Soomaaliya.

Dadaalladan waxaa hormuud ka ah Beesha Caalamka, oo muddooyinkii lasoo dhaafay waday dadaallo lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya la isugu keeno, laguna gaaro heshiis looga gudbo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka

Wararka ayaa sheegaya in inta badan qodobada heshiiska doorashooyinka la isku fahmay, iyadoo labada dhinac ay sameeyeen tanaasulaadyo siyaasadeed oo labada dhinac ah, si loo helo hannaan ay dhinacyadu wada aqbali karaan.

Si kastaba, waxaa weli taagan qodob la xiriira doorka Beesha Caalamka iyo dammaanadda heshiiska, kaas oo caqabad ku noqday in heshiiska loo gudbo marxaladda kama dambaysta ah.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ku adkaysanayaan in Beesha Caalamku aysan ku ekaan oo keliya fududeynta iyo dhex-dhexaadinta wada-hadallada, balse ay si rasmi ah qayb uga noqoto heshiiska, isla markaana saxiixe ama dammaanad-qaade loogu daro nuqulka kama dambaysta ah.

WARARKII KALE

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

Dagaal qaraar oo ka socda Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel...

Xuutiyiinta oo Raadarro geeynaya Soomaaliya iyo Al-shabaab oo loo Tababarayo Dagaalka Casriga ah

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles