Duqeyn lala beegsaday Taliye Shub

Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub” ayaa la xaqiijiyay inuu dhaawac fudud kasoo gaaray duqeyn lagu beegsaday hoygiisa oo ku dhow garoonka diyaaradaha Doolow, waxaana haatan lagu hayaa goob ammaan ah.

Wararku waxay sheegayaan in laba gantaal ay ku dhaceen gurigiisa, halka gantaal kale lala beegsaday hoyga guddoomiyaha degmada.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin dowladda fulisay, cida amarka bixisay iyo sababta loo beegsaday.

Jeneraal Shub, oo xilka laga qaaday markii uu cirka isku shareeray khilaafka Xasan Sheekh iyo Laftagareen, ayay dowladda federaalku dhowaan ku xiriirisay dagaallada hareeraha Baydhabo.

Dhacdadan ka dhacday degmada xuduudda ku taalla waxay sii xoojinaysaa wararka muddooyinkii dambe sheegayay in Turkigu kusii dhex milmayo loollanka gudaha Soomaaliya, isagoo lagu eedeynayo inuu garab siinayo dhinac kamid ah is-haynta siyaasadeed

WARARKII KALE

 Xildhibaan Odawaa muxuu ka yiri duqeyntii lala beegsaday Taliye Shub

Xildhibaan Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul...

Kooxda Lafta gareen oo Turkiga ku eedeeyey duqeyntii Doolow

Wasiirkii hore Warfaafinta Koofur Galbeed, garabka Cabdicasiis Laftagareen, ayaa...

Mareykanka oo baaraya in gantaal uu ku dhacay aroos ka dhacayay Iiraan

Milatariga Mareykanka ayaa baaraya sheegashada Iran ee ah in...

Kuuriyada Koonfureed oo isu diyaarinaysa inay ciidamo u dirto Marinka Hormuz

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dowladda dalkaasi ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles